Xildhibaannada keenay Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda kulan uga socdaa magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo inay war cusub kasoo saaraan Mooshinkaasi oo la sheegay in laga tanaasuley.
Xildhibaannada ayaa shirkoodu ka socda Hotel Pan Afric ee agagaarka KM 4, waxayna wararku sheegayan inay fasiraad ka bixiyaan sababta ay uga laabteen Mooshinkii xil ka qaadista Madaxweynaha iyo qodobo shuruud ah oo ay u jeediyeen Madaxweyne Farmaajo.
Qoraal dhowaan kasoo baxay xildhibaannadan ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu raaligelin ka bixiyo dhiibistii sarkaalkii ONLF ee dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).