Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hareeyay warkii uu soo saaray wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ee ku saabsanaa khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee dowladda, isagoo sheegay inay soo gaareen warar tilmaamaya in lacag lagu laaluushayo xildhibaannada, lana diyaarinayo mooshin lagu rido xukuumadda taasoo keeni karta sida uu yiri inuu dhabarjab ku yimaado horumarka dowladda.
Kulanka maanta oo xildhibaanada ay ka muuqatay xaalad kacsanaan aha ayaa ugu horeyntiiba la isku k hilaafay in saxaafadda loo ogolaado inay goobjoog ahaato iyo in dibadda loo saaro, taasoo markii danbe cod loo qaaday saxaafadiina laga bixiyay shirka. Dood furan oo xildhibaannadu ay uga hadleen xaalada khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa hareysay kulanka, waxaana qeylo dhaan aan yareyn halkaas ka keenay xildhibaanadii dhowaan lacagaha laaluushka ah ka qaatay madaxweynaha ee saxiixaya mooshinka la doonayo in lagu rido ra’iisal wasaaradaha iyadoo dooda ugu weyn ay ahayd:
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″] HA LA ERYO ERGEYGA GAARKA AH EE Q/MIDOOBAY
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]WUXUU MEEL UGA DHACAY SHARAFTII XILDHIBAANNADA
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]WAA IN BAARLAMAANKU WAR CAD KA SOO SAARAA GEFKII ERGEYGA Q/MIDOOBAY
[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”1″]WAA INUU CADDEYN U KEENAA WARKIIS. IYO DOODO KALE OO QIIQ ISKU QARIS AH
Mid ka mida xildhibaannada waaya aragga ah daacadda ah ayaa ka sheegay shirka in haddii madaxweynaha uu doonayo in la rido xukuumada uu isagu shalay baarlamaanka u weydiiyay kalsoonida ay tahay inuu soo sababeeyo una soo gudbiyo Baarlamaanka si sharci ahna arrintaas baarlamaanku uga fariisto, laakiin ay ceeb tahay in Hoteelo lagu shiriyo Baarlamaanka, isla markaana lacago loo qeybiyo.
Kulanka ayaa soo gabagaboobay iyadoo dooduhu sii socdeen, waxaase la isla qiray in ceeb weyni ku dhacday Baarlamaanka Soomaaliya, ayna u keeneen qaar kamida oo aan damiir lahayn.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]