Doorashada kursigii labaad oo ay ku tartameen shan musharax ayaa maanta ka dhacday magaalada Beledweyne ee maamulka Hirshabelle.
Kursiga HOP019 ayaa waxaa ku tartamay shan Musharax oo kala ah:
1- C/raxmaan Cilmi Siyaad
2- Faadumo Khaliif Guuleed
3- Maxamed Abdulkadir Mohamed
4- Axmed Maxamed Ibraahim
5- Maxamed Maxamud Cali
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP019 waxaa ku guuleysay Mohamed Abdulkadir Mohamed oo helay 62 cod. Xildhibaanka cusub ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Milateriga, gaar ahaan maxkamadda ciidamada Qalabka sida.
Waxaa gabagabo maraya kuraasta magaalada Beledweyne, iyadoo kursi ka mida la filayo in loo wareejiyo magaalada Jowhar oo kuraasta harsan la amba qaadi doono.
