Mid ka mida xildhibaanada sida weyn ugu xirnaa madaxtooyada Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay Aqalka hoose doorashada ka dhacay magaalada Baydhaba.
Waxaa shalay dib loogu doortay xildhibaan Cali Yuusuf Cisman (Cali Ganey) oo ku guleystay kursiga Beesha Silcis Gorgaarte Hawiye, isagoo helay 41 Cod, wuxuuna ka guuleystay Muxsin Axmed Cumar 10 cod heley.

Cali Ganey ayaa Madaxtooyada Soomaaliya u qaabilsanaa ololaha mooshinada ee lagu riday Ra’iisal wasaareyaashii Faarax Shirdoon iyo C/weli Sheekh, isagoo hormuud u ahaa mukhalisiinta dowladda Xasan Sheekh ee qorsheeya dhaqaalaha loo adeegsanayo xildhibaanada.
Musharaxa Muxsin Axmed Cumar ayaa ka mida taageerayaasha ugu waaweyn ee madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, isagoo mar gacanyare u ahaa, waxaana looga adkaaday doorashada kadib markii Cali Ganey uu taageero dhaqaale ka helay madaxtooyada.
Wadani.com