Waxaa magaalada Baydhaba maanta ka dhacday doorashada afar kursi oo ka mida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursi ka mida waxaa kusoo baxay wiilkii dhalinyarro oo lagu tilmamaay qofka ugu da’da yar ee ee ilaa hadda ka mid noqda xildhibaannada Golaha shacabka, waxaana lagu magacaabaa Maxamed Cabdi Maxamed.
Kursiga HOP 175 waxaa kusoo baxay Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jiley) oo helay codad gaaraya 70-cod, halka musharaxii la tartamayay ee Aadan Maxamed Ibraahim uu heley 22-cod. waxa xumaaday 3-cod.
Kursiga HOP159 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Bare Maxamuud oo helay codad ergo oo gaaraya 72-cod, halka musharaxii la tartamay ee Cabdulaahi Maxamed Isaaq uu ka helay 23-cod.
Kursiga HOP 185 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan isaaq Maxamed oo helay 71-cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod. 6-cod ayaana ayaa halaabay.
HOP188 waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdi Maxamed oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdisamed Aadan Isaaq uu ka helay 27-cod. Xildhibaankan cusub ayaa da’diisa lagu sheegay 25 sano jir.
HOP177 waxaa kusoo baxay Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) oo helay codad gaaraya 75-cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu kaheley 16-cod. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey xildhiban Ibrahim Yarow.
