Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta dib u bilaabaya kulamadoodii kadib hakad ku yimid muddo toddobaad ka badan, kadibĀ khilaaf ka dhashay kala diristii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.
Kulanka maanta ayaa yimid kadib shir ay shalay yeesheen Guddiga joogtada ah oo lagu dejiyey shirarka Baarlamaanku yeelan doono bishan Disembar ee ugu danbeysa sanadka 2018, iyadoo aan xal gaara laga gaarin arrinta Guddiga la kala diray ee Maaliyadda.
Gudoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo guddoomiyey shirkii shalay aya asheegay in arrinta Guddiga maaliyadda xal sharci ah laga gaari doono, waxaana Golaha ka hadli doonaa maalinta Sabtida.
Ajendaha kullanka maanta ayaa ah akhrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedka Leelitirka, kaasoo ah sharci xuquuq siinaya syaasiyiinta xilka haya marka ay ka degaan ama laga qaado xilka.
Guddoomiye Mursal ayaa wada isku day ah in Goluhu shaqeeyo isla markaana dhinaca kale la kala diro Guddiga Maaliyadda iyadoo loo sameynayo sababo sharci ah, kadibna la magacaabayo Guddi cusub, taasoo ka danbeysay heshiis dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.