Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda uga doodaya dib ugu noqoshada iyo wax ka bedelka xeer hoosaadkooda.
Qodob ka mida kuwa wax ka bedelka lagu sameynayo ayaa ah sababaha keenaya in Xildhibaanada ay soo xaadiri waayaan fadhiyada Golaha oo intooda badan iyadoo xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho ku sugan ay guryahooda iska joogaan, taasoo keenta kooram la’aan iyo dib u dhac ku yimaada furitaanka shirarka golaha.
Waxaa kaloo kulanka maanta lagu ansixinayaa xubin cusub oo loo magacaabay inay ka mid noqoto Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, waxaana xubintan oo lagu magcaabo Muumina Sheekh Cumar soo magacaabay Wasaaradda Dastuurka iyadoo Golaha Wasiirada uu ku raacay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku caan baxay caga jiid iyo ineysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka, iyadoo digniino uu hore u soo jeediyay Guddoonka Baarlamaanka ay socon waayeen.