Xildhibaannada kasoo jeeda beesha Muddulood ayaa shir degdeg ka yeeshay xaaladdam agaalada Muqdisho, iyagoo taageeray go’aankii odayaasha Muqdisho kasoo saareenxiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir.
Xildhibaannada ayaa shirkooda kadib waxay qabteen shir jaraa’id, waxayna taageereen maamulka G/banaadir iyo howsha uu hayo, iyagoo maqaamka Gobolka Banaadir sheegayaan inay tahay arrin u taallo labada gole ee Baarlamaanka, iygauna ay u taagan yihiin.
Xildhibaan C/qaadir Carrabow Ibraahin iyo Xildhibaan Mina Xasan Shibis ayaa sheegay in dadku is dejiyaan, maamulka Gobolka Banaadirna uu shaqadiisa wato, iyagoo intaas ku daray inay garab taagan yihiin go’aanadii ay soo saareen odayaasha, isla markaana si buuxda u taageerayaan maamulka G/banaadir.
Shirar kala duwan ayaa tan iyo xalay ka socday magaalada Muqdisho, kadib markii xafiiska Madaxweyne Farmaajo laga soo saaray qoraal siyaasadeysan oo ku saabsan bixinta danta guud, taasoo abuurtay xiisad siyaasadeed oo ku saabsan suuragalnimada xil ka qaadista guddoomiyaha G/Banaadir.