Waxaa Goor dhoweyd magaalada Kismaayo lagu qabtya munaasabad lagu dhaariyey Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo xalay ay magacyadooda shaaciyeen Guddiga Doorashada maamulkaasi ee Axmed Madoobe magacaabay.
Xafladda waxaa ka qeyb galay Gudigga Doorashooyinka Jubbaland, Xildhibaanno taageersan Axmed Madoobe oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha dhaqanka qaarkood iyo marti sharaf kale, waxaana Xildhibaannada Cusub Jubbaland dhaariyey Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee maamulkaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in xildhibaannada csuub ay degdeg u doorteen Guddoon KMG ah, iyadoo ninka ugu da’da weyn uu noqday Sheekh Cabd Yuusuf Cali, isagoo anoqdey gudoomiyaha ku meelgaarka ah ee Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland inta laga dooranayo gudoonka cusub ee Baarlamaanka.
Qorshaha Guddiga Doorashada ayaa ah in sida ugu dhaqsiyaha badan loo doorto Guddoonka rasmiga ah ee Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo la filayo in dib loo doorto guddoomiyihii hore Baarlamaanka, kadibna Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ay dhacdo 24-ka bishan, iyadoo lasii ogyahay inuu si fudud ku soo bixi doono Axmed Madoobe.











