Wararka laga helayo Magaalada Garowe ayaa sheegaya in maanta ilaa caawa lagu dhawaaqayo liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Puntland.
Liiskan ayaa waxaa hareeyay hubanti la’aan, kadib markii Isimada SSC Khaatumo ay ka baxeen maamulka Puntland, kuna dhawaaqeen go’aan ah inaysan kasii mid ahayn Doorashada cusub ee Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Baarlamaanka cusub ee Puntland uu ka koobnaan doono isla tiradii hore oo ah 66 xubnood, iyadoo doodo culus iyo wadahadallo socday maalmihii ugu danbeeyay, lagu go’aamiyay in lagu socdo tiradii hore, si aysan u dhicin khilaafaad ka yimaada awood qeybsiga Beelaha.
17 xubnood oo ka socda SSC ayaa la sheegay inay ka mid noqon doonaan Golaha Wakiilada cusub ee Puntland, kuwaas oo aan taageero ka heysan Khaatumo, balse la soo xulay, iyagoo an taageero ka heysan madaxweyne ku xigeenka Puntalnd.
Musharrixiinta Mucaaridka ah iyo inta badan isimada dhaqanka Puntland ayaa soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii SSC.
Siciid Deni ayaa ka horyimid go’aankii Odayaasha SSC, isagoo ku adkeystay in doorashada lagu galayo 66, waxaana la sheegay inuu qortay 17 xildhibaan oo ka soo jeeda Khaatumo.
Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan xubnaha 17-ka ee madaxweyne Deni wato, waxaana diidan oo saacadaha oo socda go’aan kasoo saaraya Musharixiinta Mucaaradka.
Lama oga sida ay noqon doonto metelaadda xubnaha kasoo jeeda SSC ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland iyo sida loogu heshiin doono.