Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda Galmudug oo Go’aan Culus kasoo saaray Khilaafka Galmudug [Akhriso]

    Xildhibaannada Federaalka ee kasoo jeeda Galmudug oo Go’aan Culus kasoo saaray Khilaafka Galmudug [Akhriso]

    May 28, 20185 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaannada labada Aqal Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay War-saxaafadeed xasaasi ah ka soo saaray khilaafka cusub ee ka dhex oogmay Madaxda Galmudug.

    Xildhibaannada oo kulamo ku alhaa maalmihii ugu danbeeyay Magaalada Muqdisho ayaa  maanta soo saareen mowqif ay ku mideysan yihiin, iyadoo sheegay in qaabka loo hirgaliyey heshiiskii Jabuuti aanu ahayn mid waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa,ayna khalad ahayd qaabka la isugu daray labada Baarlamaan oo aan la isu dheelitirin & inaan la tixgalin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen, iyadoo Dastuur cusub oo dhinac u xaglinaya lagu bedelay dastuurkii hore ee lagu mideysnaa.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED AY SAXIIXEEN


    JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

    XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTO GALMUDUG

    MUQDISHO, 28 MAY 2018

    Ujeeddo: Caddayn mawqifka Aqlabiyadda xildhibaanada & senetorada qaranka ee laga soo doorto a Dawlad goboleedka Galmudug ee ku aadan xaaladda khilaafka Galmudug.

    Senetorada & Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka ah ee laga soo doorto deegaan doorashada DG GALMUDUG, kulamo taxane ah oo ay ka yeesheen xaaladda Galmudug ay ku sugan tahay, gaar ahaan kala qeybsanaanta madaxda sare ee maamulkaas & cabashooyinka ka soo baxayey bilihii la soo gudbey beelo ka mid ah reer Galmudug kuwaasoo ka dhashay qaabka loo hirgaliyey heshiiskii Jabuuti ay ku soo galeen Dawlad goboleedka Galmudug iyo maamulka ASWJ.

    Xildhibaanada qaran ee labada aqal, waxey sameeyeen dhanka kale kulamo ay la qaateen; dhinacyadii iska soo horjeeday sida; madaxweynaha Galmudug  Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi, iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, qaar ka mid ah beelaha cabashada qabey si xog dheeri ah iyo faham ku filan looga helo xajmiga khilaafka jira iyo qodobada keenay kala qeybsanka madaxda maamulka iyo tabashada beelaha, ayadoo ay noo soo baxdey in khilaafku uu salka ku hayo:

    Qaabka loo hirgaliyey heshiiskii jabuuti in uusan ahayn mid waafaqsan qodobadii heshiiskaas ku xusnaa gaar ahaan qaabka la isugu daray labada barlamaan oo aan isku dheelitirnayn & inaan la tixgalin awood qeybsigii beelaha reer Galmudug ku heshiiyeen.
    Dastuur cusub oo lagu bedelay dastuurkii Galmudug lahayd, kaasoo si gaar ah looga tixgaliyey dhinac ka mid ah dhinacyadii heshiiska galay, laguna qoray qodobo ka hor-imaanaya dastuurka qaranka isla markaana noqday mid aan ka turjumayn maslaxadda beelihii Galmudug wada dhistay ama abuuraya xasilooni darro iyo muran aan dhammaad lahayn mustaqbalka fog.

    Sidaas awgeed, Aqlabiyadda Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka shirar ay isugu yimaadeen 24 & 27 May 2018, markii ay si qoto dheer u eegeen cawaaqib xumada ka dhalan karta xaaladda Galmudug ka taagan haddii aan xal degdeg ah loo helin & in qodobada khilaafaadku salka ku hayo ay yihiin kuwo si weyn uga horjeeda heshiiskii Dawlad goboleedka Galmudug lagu dhisay ee ay dhigteen beelaha Galmudug wada dega oo ku heshiiyey laba qodob oo waaweyn oo kala ah; wadaagga maamul nidaamka awood qeybsigiisa cad yahay iyo dastuur ay ansixiyeen ergo beelahaas kala matalaysay oo sideed boqol ka badan oo markii danbana dhalay maamul danaha dadkaas & deegamadaas inuu ka shaqeeyo loo igmaday.

    Go’aan iyo Mawqifka Xildhibaanada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka.
    Xildhibaanada qaran ee labada aqal ee barlamaanka Federaalka ah;

    Waxey soo dhoweynayaan heshiiskii Jabuuti ee dhexmaray DG Galmudug iyo ASWJ, waxeyna ku baaqayaan in heshiiskaas loo dhaqangaliyo qodobadiisa sidii loogu soo heshiiyey.

    Waxay caddaynayaan in mudada xil-haynta hey’adaha sharci-dejinta iyo fulintu ay ku kala eg tahay sida uu qabo dastuurka Galmudug bilaha Juun 2019 & July, 4 2019 sida ay u kala horeeyaan.

    Waxey hoosta ka xariiqayaan in ay tahay lama taabtaan ilaalinta nidaamka awood qeybsiga beelaha Galmudug wada dega oo ay saldhig u yihiin guurtida beeluhu inta laga gaarayo doorasho qof iyo cod ah.

    Waxay adkeynayaan in dastuurka Galmudug uu noqdo mid lagu saleeyo maslaxadda reer Galmudug, dadka diyaarinaya ama dib u eegista ku samaynaya ay noqdaan kuwo ka wada turjumaya reer Galmudug oo isugu jira aqoonayahan iyo sharci-yaqaannada Galmudug, lagana saxo dhammaan qodobada kiciyey dareenka reer Galmudug ee danaha gaarka ah laga leeyahay.

    Waxaan soo dhoweynaynaa kuna talinaynaa in loo dhaga-nuglaado dadaalka dawladda federaalka ah ay waddo gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dibuheshiisiinta iyo Federaalka ee xalka loogu raadinayo khilaafka madaxda maamulka iyo cabashada beelaha Galmudug ka soo yeeraysa.

    Waxaan madaxda DG Galmudug ugu baaqaynaa ilaalinta heshiiskii Galmudug lagu dhisay oo ay saldhigga u yihiin nidaamka awood qeybsiga iyo dastuurka ka wada dhexayn kara reer Galmudug, illaa inta laga saxayo arrimaha la isku qabtayna aan tallaabooyin kale oo wax kicin kara lagu dhaqaaqin.

    Wabillaahi Tawfiiq

    Xildhibaanada Baaqaan soo saaray waxey kala yihiin:

    Senatarada Aqalka Sare:

    Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari)
    Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)
    Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
    MudaneC/waaxid Cilmi Goonjeed
    Mudane Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey)
    Mudane Abuukar Axmed Xaashi
    Marwo Jawaahir Axmed Cilmi
    Marwo Samsam Daahir Maxamuud

    Xildhibaanada Golaha Shacabka:

    Mudane Axmed Macallin Fiqi
    Mudane Zakariye Xasan Cali
    Marwo Nadiifo Faarax jaamac
    Mudane Maxamed C/lle Faarax
    MudaneXuseen Qaasim Yuusuf
    Mudane Warsame Maxamuud Xasan (Joodax)
    MudaneSaadaq C/kariim Xaaji Ibraahim
    Mudane C/saabir Nuur Shuuriye
    Mudane Faarax Cabdi Xasan
    Mudane Cali Axmed Shariif
    Marwo Sahro Cumar Maalin
    Mudane Mahad Maxamed Salaad
    Mudane Qaasim Maxamed Jaamac
    Marwo Duniyo Maxamed Cali
    Mudane Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
    MudaneC/raxmaan Maxamed Xuseen
    Mudane Xasan Macallin Maxamuud
    Mudane Cabdi Shire Jaamac
    Marwo Ikraam Aadan Waasuge
    Mudane C/qaadir Gaafow Maxamuud
    Marwo Maryan Maxamed Xuseen
    Marwo Naciimo Maxamed Gacal
    Marwo Maryan Cabdi Geeddi
    Mudane C/weli Maxamed Qanyare
    Mudane C/shukuur Cali Mire
    Mudane Xirsi Aadan Rooble

    Ahlu suna Cadaado Galmudug Top Xaaf
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo ka badbaaday Qorshe lagu hor keeyay Baarlamaanka [Yaa ka danbeeyay..?]
    Next Article Nin Qaxooti ku ahaa Faransiiska oo Dhalasho & Shahaado ku helay Wiil uu si la yaab leh u badbaadiyey [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo