Xildhibaannada keenay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa, iyadoo soo saaray qoddobo ay ka dalbadeen Madaxweyne Farmaajo.
Qoddobdda ay talo soo jeedinta ugu direen Madaxweynaha waxaa ka mida inta uu Mooshinkiisu yaallo inuusan xil magacaabi karin, xilna ka qaadi karin iyo inuusan magaca madaxweyne dalka ku meteli karin inta go’aan laga gaarayo
1- Inuu u hoggaansamo Dastuurka dalka iyo Sharciyadda dalka u yaalla.
2- Inta go’aan laga gaarayo Mooshinka Madaxweynaha inuusan madaxweynuhu sameyn karin qodobadda soo socda;
- Inuusan ka qeybgeli karin shirar uu ku metelayo magaca dowladda Soomaaliyeed
- Inuusan magacaabi karin xilal cusub, xilna qaadi karin
- iyo Inuusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.
Xildhibaannada shirka jaraa’id qabtay ayaa goobta ka hadlay waxayna si weyn u cambaareyeen tallaabada uu qaaday madaxweynaha ee uu xayiraadda ku soo rogay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.
Xildhibaannada ayaa madaxweynaha ku eedeeyay inuu u dhaqmayo sida kelitalis awoodda ku qabsaday qori, waxayna ku doodeen inuu yahay madaxweyne eedeysan oo la doonayo inuu ka gar baxo oo Baarlamaanka hor yimaado.