Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xildhibaannada Mucaaradka oo ku hanjabay inay hor istaagayaan kulanka Berri

    Xildhibaannada Mucaaradka oo ku hanjabay inay hor istaagayaan kulanka Berri

    January 23, 2024Updated:January 24, 20242 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ku dhowad 50 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxayna ka digeen inay hor istaagi doonaan kulanka Berri labada Aqal ee Baarlamaanka yeelan doonaan.

    Xildhibaannadan oo u badan taageerayaasha madaxweynayaashii hore ee Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa kaloo weheliya xildhibaanno kale oo uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur, waxayna si cad u sheegeen in kulankaasi iyo ujeedkiisa ay ka hor jeedaan.

    Waxay xildhibaannadan ku doodayaan inaan wax ka beddelka Dastuurka la geli karin inta laga he;ayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan oo aan intii uu jiray Golaha la sameyn.

    Kulanka Berri ayaa ku saabsan in la ansixiyo hannaanka loo marayo wax-ka bedelka Dastuurka, iyadoo xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka la qorsheeyay inay gacantaag ugu codeeyaan qaabka loo ansixinayo Qodobadda Dastuurka marka ay xildhibaannadu ka doodayaan.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo qorshahan gadaal ka riixaya iyo xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xamase Cabdi Barre ayaa sidoo kale taageero ka heysta Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, balse waxaa si weyn uga horjeeda musharixiintii Madaxweynaha iyo taageerayaashooda.

    “Waxaan dadka Soomaaliyeed ku marag gelinaynaa in madaxda qaranka ee fulinta iyo guddoonka labada gole qaadayaan masuuliyadda wixii ka yimaada ficillada lagu qaybinayo ummada Soomaaliyeed xiligii ay midnimo ugu baahi badnayd” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ka mida ahaa xildhibaannadii mucaaradka ee maanta shiray.

    Xidhibaan Saadaq C/llaahi ayaa isna ku hanjabay inay awood adeegsan doonaan isagoo fariin uu qoray ku yiri: “Sharci haddii la diidey shanta kaliya bannaan”.

    Xildhibaanno badan oo mucaarad ah ayaa ku adkeysanaya inay awood adeegsan doonaan si ay kulanka Berri u joojiyaan ama fowdo uga abuuraan, halka xildhibaannada taageersan xukuumadda iyo Madaxweynaha ay ku doodayaan in waxa la ansixinayo uu yahay Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka sida loo mareeyo hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal, isla markaana uu waafaqsanyahay Dastuurka KMG ah.

    Baarlamaanka Dastuurka Top Xildhibaannada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Cirka Somaliya oo tababar loogu soo xiray dalka Qatar & MD. Xasan Sheekh oo..
    Next Article Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo