Xildhibaano fara badan ayaa saaka iska xaadiriyey Xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka ku shiro si ay uga qeyb galaan fadhiga maanta oo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu khudbad ka jeedinayo.
Iyadoo hore loo shaaciyey in kulanka uu bilaabanayo 9:00 subaxnimo ayaa waxaa xilli hore oo aan looga baran xarunta Baarlaaanka tegay xildhibaano ka badan 100, iyadoo muddo yar ka dibna uu buuxsamay kooramka, tiraduna gaartay 170 xildhibaan, waxaase dib u dhacay kulanka oo weli aan furmi xilligan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo ismaaciil Ibraahim ayaa gaartay xarunta Baarlamaanka, iyadoo aan la ogeyn qorshaheeda, waxaana su’aalo badan ka dhasheen tegisteeda Baarlamaanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka la wadaago natiijadii shirkii Dhuusamareeb 2 iyo shirka kale ee ka furmaya halkaasi, isagoo isku dayaya inuu ku qanciyo in lag war sugo wejiga saddexaad ee shira Dhuusamareeb.
