Xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa War-cad kasoo saaray shirka Kismaayo, iyadoo sheegay inuu shirkaasi yahay mid lagu duminayo Qaranimada Soomaaliya, laguna sidoo kalena lagu fara geliyay arrimaha Galmudug.
Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo war-saxaafadeedka warbaahinta u akhriyay magaalada Caaado ayaa sheegay in shirku xadgudub ku yahay Galmudug mar haddii lagu casuumay madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) .
Wuxuu soo jeediyay qoddobo dhowr ah oo ku socday dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka, isagoo si weyn u cambaareeyay qabsashada shirkaasi.
DHAGEYSO