Qaar kamida xildhibaanadii saxiixay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisal wasaaraha ee khilaafka weyn ka dhex dhaliyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dib uga laabteen mooshinkaasi, kana baxeen kooxda taageersan madaxweynaha ee ololaha ugu jirtay ridista xukuumadda.
Xildhibaanadan oo sii kordhaya ayaa xogta la helayo ay sheegeysaa inay gaareen in ka badan 10 xidhibaan, waxaana arrintan ka danbeeyay dadaal ay galeen xubnaha taageersan Ra’iisal wasaaraha oo dhinacooda bilaabay olole kale oo ay ku doonayaan inay ku yareeyaan liiska xildhibaannada mooshinka wada.
Loolan iyo wadahadallo aan waxba la isula harin, shirar is daba joog ah iyo dhafar siyaasadeed ayaa hareeyay xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo intaas dadaal ugu jira sidii ay u kala jiidan lahaayeen xildhibaanada kala qeybsan.
Badbaadinta Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh iyo ridistiisa ayaa ugu danbeynta ku xiran tirada xildhibaan ee koox waliba heysato, waxayna xeeldheerayaal badan ka digayaan in dhinac kasta oo guushu raacdo uu khilaafkani dhaawac aan laga soo waaqsan u geysan doono dowladnimada Soomaaliya.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]