Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa dood kulul ku dhex martay Baarlamaanka, kadib dood ka dhacday Miisaaniyadda hor taalla ee sanadka 2017 oo lix bilood ay tagtay.
Dooda ayaa waxaa dhaliyay xildhibaano dhowr ah oo su’aalo badan ka keenay miisaaniyadda iyo Dakhli la sheegay inuu soo kordhay oo aan ka muuqan Miisaaniyadda.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ahaa wasiiru dowlihii hore ee madaxtooyada mid ka mida xubnihii ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa Wasiirka maaliyadda weydiiyay sida ay isu qabanyaan Dakhli kordhinta uu sheegay iyo miisaaniyadda la yareeyay, wuxuuna si weyn u dhaliiyay dowladda cusub.
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mida ahaa xildhibaanadii sida weyn ugu kacsanaa dowladii Xasan Sheekh ayaa ka daba qaatay oo dhinaciisa si weyn u ammaanay miisaaniyadda iyo dowladda cusub.
Xildhibaan Goodxa ayaa diiradda saaray xisaab xirka Miisaaniyaddaha 2015 iyo 2016, isagoo sheegay in sababta loo xiri waayay la wada ogyahay oo dadkii mas’uulka ka ahaa ay Baarlamaanka ka hor muuqdaan iyadoo doodaya, wuxuuna intaasi ku daray in lacagaha ka maqan labada miisaaniyadood ay ku takri fashay dowladii hore.
Xildhibaan Goodax ayaa weli daba jooga dowladii hore, inkastoo uu wasiir kasoo noqday, qeybna ka qaadayo mas’uuliyadii wixii ay fashay dowladaasi, halka Mahad Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanadii u ololeeyay ansixinta xukuumadda Kheyre uu hadda isu bedeley mucaaradka ugu weyn ee dowladdan.
GOOBJOOGE