Iyadoo maanta lagu wado inuu dalka ku soo laabto guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa waxaa soo dhoweyntiisa markii ugu horeysay isku garbinaya labada garab ee xildhibaannada Baarlamaanka ee iska horjeeda.
Xildhibaanno fara badan oo ayu kala qeybsan guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo ay la socdaan xildhibanno ku feker ah iyo xildhibaannada mucaaradka ee ka hor jeeda go’aankii lagu kala diray Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa isugu tegay Garoonka Muqdisho, iyadoo koox waliba ay dooneyso inay saameyn ku yeelato Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiye Mursal ayaa wareysi uu bixiyey uga gaabsaday inuu ka hadlo sahrcinimada kala diristii guddiga Baarlamaanka, wuxuuna muujiyey inuu ka horjeedo madaxda sare ee dowladda federaalka iyo ciidamada loo diray magaalada Baydhaba, waxayna xildhibanada mucaaradka u arkaan inay fursad ka heli karaan guddoomiyaha oo dhinacooda soo raaca.
Soo dhoweynta guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa noqon doonta tii ug weyneyd intii uu xilka qabtay iyadoo markii hore la ogaan jirin xilliga uu baxayo iyo soo laabashadiisa.