Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin maanta ku sii jeeday magaalada Cadaado ayaa ku xayirmay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Xubnahan ayaa la sheegay inay ku biiri lahaayeen waanwaanta ka socota ayaa wararku sheegayaan inay saameyn ku yeelatay xayiraadda uu madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ku soo rogay diyaaradaha ka taga Muqdisho ee ka degaya magaalada Cadaado. [Akhri War-saxaafadeedka].
Xildhibaanadan oo ay dalbadeen inay Cadaado yimaadaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa ka mida Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhegdheer, Xildhibaan Yuusuf Dhagey, Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal iyo Xildhibaano kale.
Xubnahan ayaa wada qorshe ay ku doonayaan inay qaataan diyaarad ka degi karta magaalada Cadaado, iyadoo wararku sheegayaan inay Cadaado ka socdaan dadaallo lagu doonayo in diyaaradda mas’uuliyiintan loo ogolaado inay ka degto Cadaado.
Xubnaha wafdigan ayaa diiday ogolaanshaha Xaaf, waxaana la sheegay inay diyaarad u qaateen magaalada Caabudwaaq, halkaasoo ay dhinaca dhulka ku safri doonaan iyagoo sidaasi ku tegaya magaalada Cadaado.
Arrintan ayaa muujineysa in xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda Galmudug ay dhinacyo kala duwan saameyn ku leedahay, isla markaana aanay suuragal ahayn xal degdeg ah oo laga gaaro.
Wadani