Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaariyeen Mooshin ka dhan ah dowladda Kenya iyo damaca ay ku dooneyso inay xoog ku qabsado xuduudka Badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay.
Mooshinka waxaa hormuud ka ah: xildhibaannada kala ah Maxamed Cumar Dhalxa iyo Cabdi Shire Jaamac (Cayaarjecel), waxayna sheegeen in XIldhibaannada ay dhammeystireen Mooshin ka dhan ah dowladda Kenya iyo ciidamadeeda ka mida AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo la horgeyn doono Golaha Baarlamaanka marka uu fasaxa kasoo laabto Bisha soo socota ee Septembar.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Mooshinka looga horjeedo dowlada Kenya iyo faragelinta ay ku heyso Qaranimada Soomaaliya ay saxiixeen Xildhibaanno ku filan, ayna la sugayaan inta uu ka furmayo Baarlamaanka Soomaaliya.
Mooshinkan ayaa jawaab u ah Mooshin ay u dhan yihiin labada dhinac ee Baarlamaanka Kenya oo dhowaan loo gudbiyey Baarlamaankaasi , kaasoo dowladda Kenya ku amraya inay ciidamada awood ku qabsada u dirto Biyaha Soomaaliya ee ay Kenya xoogga ku dooneyso
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in uusan daba dhiganeyn Xidlhibaan Aadan Barre Ducaale laakiin sida uu hadalka u dhigay Soomaaliya aysan marna aqbaleyn damaca Kenya.