Xildhibaannada Baarlamaanka ee la baxay Badbaado Qaran oo ah garabka Baarlamaanka Soomaaliya ee wada Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha Soomaliya ayaa qoraal u diray dowladda Itoobiya, iyagoo ka dalbaday inay caddeyso doorkii ay ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow Cali.
Qoraalka oo si toos ah ugu socday safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, lana ogeysiiyay Wasaaradaha Arrimaha dibadda Itoobiya, Soomaaliya iyo safaaradaha US iyo UK ayaa Itoobiya loo dalbaday inay faahfaahin ka bixiso doorkii ay ku lahayd xariga Mukhtaar Roobow oo dhaliyay qalalaase keenay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qoraalkan ayaa yimid kadib markii AMISOM ay iska fogeysay inay wax lug ah ku lahayd xariga Mukhtaar Roobow, iyadoo qoraal dacwad ah ay isla xildhibannadan ka qoreen AMISOM, waxaana hadda la sugayaa jawaabta dowladda Itoobiya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA