Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlay xaaladda dalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Farmaajo iyo xukuuumada isu bedeshay xil gaarsiinta.
Xildhibaanadan ayaa caddeeyay inuu dhammaaday waqtigii sharciga ahaa ee Maxamed C/laahi Farmaajo, xukuumadduna ay tahay xil gaarsiin ah shaqadeeduna ay tahay shaqooyinka caadiga ah ee aanay geli karin howlo masiiri ah, sida ku cad qodobka 103-aad ee Dastuurka.
Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhaannada ku hadlay magaca kooxda xildhibaannada ahi ayaa sheegay inaan muddo kordhin loo sameyn karin madaxweynaha iyo xukuumadda midna, mar haddii uu Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday kusoo fashilmay inuu keeno heshiis Doorasho.
Waxay sheegeen inay xaalad halis ah ka jirto xarunta Baarlamaanka oo kulankii ugu danbeeyay lasoo geliyey ciidamo Dhar ah oo hubeysan, arrintaasina ay keeni karto inuu amniga xildhibaannada halis galo, xildhibaan kastana ku qasban yahay inuu amnigiisa ilaaliyo.
Talada dalka ayey xildhibaannadan sheegeen inay u taallo labada aqal ee Baarlamaanka oo aanay waxba ku lahayn madaxweynaha iyo xukuumadda waqtigoodu dhammaaday, waxayna ku dhawaaqeen Kutlad la baxday Badbaado Qaran.
