Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dacwo ah ka qoray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhaba iyo madaxda AMISOM, iyagoo ku eedeeyay xarigii ay u geysteen muwaadinka Soomaaliyeed ee Mukhtaar Roobow Cali iyo dhibaatada ka taagan magaalada Baydhaba.
Qoraalka loo diray beesha caalamka oo ay ku jiraan US, UK, Q/Midoobay, Midowga Yurub, iyo Midowga Afrika ayaa lagu eedeeyay madaxa AMISOM inay ka danbeeyaan waxa ka dhacay magaalada Baydhaba iyo xadugdubka lagula kalay musharax xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed.
Qoraalka uu ku saxiixnaa xildhibaan C/fataax Ismaciil Daahir oo afhayeen u ah xildhibaanno la baxay Badbaado Qaran ayaa Beesha Caalamka loogu baaqay inay baaritaan ku sameyso falka ka dhacay magaalada Baydhaba ee lagu xiray Mukhtaar Roobow, kasoo keenay in dad badan ku dhintan.
HOOS KA AKHRI QORAALKA