Xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa diyaariyey mooshin nooc cusub ah oo ku saabsan illaalinta hantida dowliga ah ee deeganada Hirshabelle.Mooshinka ayaa waxaa qoray Xildhibaano gaaraya 31 Xildhibaan oo Baarlamaanka Hirshabeelle ka mida. Xildhibaan Nuur Xaashi Warsame oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa sheegay iyadoo la eegaayo danta shacabka Hirshabelle inay u arkeen mooshinkaan mid wanaagsan oo difaacaya danaha guud ee maamulka.
Wuxuu intaas ku daray Xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Aqalka Sare ee dalka oo guryo dabaqyo ah ka dhisanaya dhul dan guud ah oo ku yaallo deeganada Maamulka Hirshabelle, taasina ay keentay inay mooshinkan diyaariyaan.
“Mooshinkaan runtii wax badan buu umadda u tarayaa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqsiyaad kale ayaan aragnaa inay dabaqyo ka dhisanayaan guryahii danta guud, sidaasi darteed waa inaan go’aan deg deg ah ka soo saarnaa.” Ayuu yiri Xildhibaan Nuur Xaashi.