Dood kulul ayaa maanta ka dhacday xarunta Golaha shacabka, iyadoo xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta ka hadleen xaaladda amniga dalka.
Xildhibaanada ayaa wxaa ka muuqday kala qeybsanaan ku saabsan xaaladda dalka iyo hoggaanka sare iyadoo qaarkood ay si weyn u dhaliileen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay ku dhaliileen inuu ka gaabiyay mas’uuliyadii uu hayay.
Axmed Cumaan Ibraahim Daqarre oo ka mida xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isal Wasaaraha inay xilalka iska casilaan, isagoo sheegay inaysan heyn qorshe dalka lagu hoggaamin karo.
DHAGEYSO