Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 12
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Xildhibaanno lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen shisheeye ka baxsan Puntland oo xasaanadii laga xayuubiyey

    Xildhibaanno lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen shisheeye ka baxsan Puntland oo xasaanadii laga xayuubiyey

    December 3, 2020Updated:December 3, 20202 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa saaka xasaanadda laga qaaday, kadib markii ay dalbadeen in wax laga qabto qaabka uu Baarlamaanka.u maamulo Guddoonka Baarlamaanka.

    Kulanka oo uu soo abaabulay guddoomiyaha waxaa dacwad anshax ah lagu soo oogay 8 Xildhibaan, waxaana dembiga ay galeen baarlamaanka ka hor akhriyey Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland oo kusoo eedeeyay inay ku kaceen falal lid ku ah anshaxa iyo xeerarka gollaha, sida  iska hor keenka gollaha dhexdiisa iyo maleegitaanka siyaasado gurracan oo ay ka dambeeyeen gacmo shisheeye oo ka baxsan Puntland .

    Cod loo qaaday xasaanad ka qaadista xildhibaannadaasi ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in 35 Mudane ay gacanta u taageen in xilka laga xayuubiyo oo kalsoonida lagala noqdo, waxaa diiday 3 xildhibaan, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in 8-da xildhibaan ee xasaanadda laga qaaday ay wixii maanta ka danbeeya yihiin dad shacab ah. Dhinaca kale Xeer ilaaliyaha Puntland ayaa sheegay in Hay’adaha amniga ay amar kusoo rogeen, iyadoo xildhibaannadaasi dacwad lagu soo oogi doono, kana bixi karin gudaha Puntland.

    Magacyada xildhibannada xasaanadda laga qaaday waxay kala yihiin:

    Xildhibaan Cabdijamal Cismaan Maxamed

     Xildhibaan Cabdiqani Abshir Jamac Surato

    Xildhibaan Muuse Siciid Xasan Jajabsay

    Xildhibaan C/casiis Siciid Maxamuud Baduugaaye

    Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre

    Xildhibaan Saleeban Faarax Ciise.

    Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Maxamud Dhoore

    Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim.

    Baarlamaanka Puntland Puntalnd Puntland Xasaanad qaadis
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNin Hooyadiis ku dilay Xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho oo gacanta lagu dhigay, kadib muran…
    Next Article Safiirka Ingiriiska oo noqday Danjiraha ugu dhaqdhaqaaqa badan (Kulamo uu ugu yeeray Musharixiinta..)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo