11 xildhiban oo ka tirsan Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyey Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo lagu soo eedeeyay qodobo dhowr.
Soo gole-joojinta Wasiir ayaa salka ku heysa in wax laga weydiiyo arrimo ku saabsan shaqada Warbaahinta Qaranka oo lagu dhaliilay qaabka ay u tebiso wararka Baarlamaanka, waxaana xildhibaananda mooshinka keenay ay ku eedeeyeen in Warbaahinta Qaranka aanay si cadaalad ah oo siman u soo bandhigin doodaha Golaha Shacabka, iyadoo Telefishinka SNTV laga sii daayo khudbadaha Xildhibaanada taageersan Xukuumadda oo kaliya.
Wasiir Maareeye ayaa loo diray qoraal loogu sheegay inuu Golaha Baarlamaanka hor yimaado maalinta Axadda ee 15-ka Disembar.
