Waxaa maanta markii labaad baaqday kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay taagan tahay arrintii ka dhalatay Warbixintii la laalay ee Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka.
Qoraal loo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo diyaariyeen Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka oo u badan xubnaha Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Midowga Nabadda iyo horumarka (UPD) Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu dalbaday in tallaabo sharci ah laga qaado guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.
Xildhibannadan oo u abaabulan qaab xisbi ayaa bilaabay olole ay ku qaadeen guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, iyagoo ku eedeynaya inuu la shaqeynayo xukuumadda, isla markaana uu afduubtay Baarlamaanka.
Xildhibaanadan oo hore shir jaraa’id u qabtay, kana hor yimid qaabkii loo maamulay warbxiintii Guddiga kala qeybsamay ee Maaliyadda ayaa saaka dacwad ka qoray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, iyagoo soo bandhigay qodobo ka mida xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
HOOS KA AKHRI QORAALKA DACWADDA