Saddex xildhibaan cusub ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii ay bedeleen xidhibaanno geeriyooday kuwo xilal loo magacaabay. Kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka ayaa maanta lagu dhaariyay saddex xildhibaan oo ku soo biiray Baarlamaanak Federaalka Soomaaliya kuwaasoo kala ah:
- Xildhibaan Qaasim Cali Nuur ayaa loo dhaariyay booskii uu ka geeriyooday Cumar Cali Nuur (Furdug)
- Xildhibaan cusub oo lagu bedelay booskii uu ka geeriyooday Maxamuud Ducaale Muuse (Xaaji Kafe)
- Xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac ayaa isna bedelay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo loo magacaabay Taliyaha ciidamada asluubta.
Buuxinta boosaska xildhibaanada ayaa ku xiran go’aan ay saxiixaan odayaasha beelaha xildhibaan waliba, waxaana loolan weyn ka dhacay jagada xildhibaan ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Cumar Furdug kaasoo walaalkii loo dhaariyay.
Jagada xildhibaannimo ayaa waxaa dadaal dheer ugalay nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Waayeel oo taageero ka heystay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab iyo Shariif Xasan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaana herdankii la galay ku guuleysay qoyska Furdug oo markii danbe taageero ka helay Imaamka beelaha Hiraab.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]