Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka oo maanta yeelanaya shirkoodii koowaad ee kalfadhiga labaad ayaa la hor keenayaa dacwad ka dhan xukuumadda Soomaaliya.
Qaar ka mida xildhibaanada ayaa saxaafadda ay sheegay un dacwad ka dhan ah xukuumadda ay hordhigi doonaan guddoonka Baarlamaanka.
Dacwadda xildhibaanadan ayaa ku saabsan olole kicin dadaweyne oo lagu eedeeyay xukuumadda inay ku wado si dadka looga hor keeno xildhibaanada Baaramaanka, waxayna doonayaan qaraar Baarlamaanku kasoo saaro arrintan iyo in Ra’iisal wasaaraha uu hor yimaado Baarlamaanka.
Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo shalay isla su’aalo ku saabsan arrintan ugu yeeray ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inay xildhibaanada uga warramaan wixii dhex maray labada dhinac, si ay ugu qanciyaan in laga maarmo u yeeris kale oo Baarlamaanka looga yeero Ra’iisal wasaaraha.
Qodobadda horyaalla kalfadhiga Baarlamaanka waxaa ka mida;Â Miisaaniyada Dowladda ee sanadkan 2017 oo dib u dhac weyn ku yimid, Hindsiye sharciyeedyo ay xukuumadda diyaarisay iyo Mooshino la filayo.
Wadani