Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay halkaasi shir ka furteen iyagoo sheegay inay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo doorashada 2016.
Shirkan waxaa abaabulkiisa maalmihii ugu dambeeyay ka waday magaalada Nairobi xildhibaanno ay hor boodayaan Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre iyo Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye, Xildhibaan Maxamed Cabi Yuusuf iyo xubno kale oo si weyn ugu kacsan dowladda Soomaaliya.
In ka badan 80 xildhibaan ayaa isku urursaday magaalada Nairobi oo shirkaasi ka qeyb galaya, lama oga qorshaha xildhibaanadan dibadjoogga ah iyo shirka ay ku qabanayaan magaalada Nairobi xilli Baarlamaanka Soomaaliya fasax ku jiro, isuna diyaarinayo kalfadhiga 8-aad oo dhowaan furmaya.
Xaaladaha kala guurka ah ee dowladihii Soomaaliya isaga danbeeyay ayay caadi inay kala jabaan xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana xidhibaanada ku shirsan Nairobi la sheegay inay doonayaan waqti kordhin loo sameeyo Baarlamaanka hadda jira.
Wadani.com