Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»XILDHIBAANOOW XAAL QAADO!: Maxaa la iigu farxaa, Berri ayaan lumiye

    XILDHIBAANOOW XAAL QAADO!: Maxaa la iigu farxaa, Berri ayaan lumiye

    March 16, 20183 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sanad kadib doorashadii dadbaneed ee Barlamaanka 10 aad ayaa laga filayey in uu gaaray bisayl iyo qaangaar Siyaasadeed kadib markii uu dhaxlay waaya aragnimo 9 Barlamaan in ka badan 60 sano laga soo bilaabo 1956 ilaa 2018, xilligaas oo gudoomiye Jawaari kasoo bilaabay dawladda Agaasime ilaa Gudoomiye Barlamaan.

    Abwaan Cadbdi Shire ayaa Barlamaankii 9 aad u tiriyey hees cinwaankeedu ahaa “Xildhibaanow xaal qaado” anigana xaal ayaan ka bixiyey qoraalkii habeen hore aan ku sheegay in Barlamaanka 10 aad ka fiicanyahay kuwii ka horeeyey. Laakin Maah maah Carbeed ayaa aheed “ilmihii aabihiis u ekaada danbi ma gelin”.

    Dadka Somaaliyeed oo u riyaaqay furitaanka kalfadhiga 3 aad iyo qorshaha qaran ee la soo bandhigay, Qaraarkii taariikhiga ahaa ee Xukuumada iyo Barlamaanku ka gaareen DP World, hashiiskii dawladda federaalka iyo dawlad gobaleedyada iyo shirka Baydhabo loo balansanyahay 28 bishaan, qodobadaas oo muujiyey yedidiilo Siyaasadeed iyo Rajo mustaqbal Somaliyeed ayaa nasiib darro shalay lagu waa bariistay Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka oo galab-nimadii la sheegay in uu Saqiiray, hadana Subaxaan la sheegay in uu noolyahay, kuwa kalena ku jiraan jeebabka Xildhibaanada, arrintaas oo dilaysa kalsoonidii lagu qabay Barlamaanka iyo rajadii laga qabay dalka iyo dawladu in ay horey u socdaan.

    Su’aashu waxa ay tahay maxaa xilligaan keenay Mooshinada kala duwan ee Barlamaanka? Maxaase ka maqan Xildhibaanada oo ay ka rabaan Mooshinada Madaxda?

    1. Mooshinada iyo is bedelada waxaa laga sameeyaa dhaqaale, waxaana la kala kacsadaa kuraasta.

    2. Mooshinada waxaa lagu muujiyaa awooda Barlamaanka iyo joogteynta cabsi gelinta madaxda.

    3. Baqdinra Barlamaanka in awooda ay ka qaataan golaha amniga qaranka ama madasha madaxda Federaalka iyo Gobalada.

    4. Ciyaarta Mooshinka oo u baahan Garoon iyo Cayaartoy sida; garoonka khilaafka madaxda ugu sareysa balse sanadkaan laga quustay khilaaf Madaxweynaha iyo R/wasaaraha. Laakin waxaa muuqata in lagu guuleystay khilaafka Guddoonka Barlamaanka oo u sahlaya ciyaarta Xildhibaanada.

    Hadii aad wareysato Xildhibaanada iyo Madaxda waxa kala haysta oo ay Mooshin ku muteysteen waxey kuu sheegayaan;

    Qaabilaad ayaa la ii diiday, Telefon ayaa la iga qaban waayey, Xubin guddi ayaa la iga reebay, Lacag ka baxsan mushaarka ayaa la ii diiday, Kursi aan xaq u lahaa ama aan mudnaa ayaa qof kale la siiyey, Beesheyda ayaa la dulmiyey iwm. Waxaana muuqata in dadka Somaliyeed ay ka hor mareen Xildhibaanadii hoggaaminayey, ayna ka sugayaan arrimo waaweyn oo qaran halka ay ku mashquulsan-yihiin dano yar yar.

    Hadaba waxaa Madaxweynaha,R/wasaaraha iyo Gudoomiya Aqalka Sare la gudboon in ay deg deg u fidiyaan gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo Goddoonka Golaha Shacabka iyo xubnaha Barlamaanka inta uusan daadka Mooshinadu soo gaarin “Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee ma laha majo la qabto”.

    W/Q: Maxamed Nuur Gacal,
    Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya

    Dr. Maxamed gacal Qormo Xildhibaan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Fiqi oo Afka furtay: “Mooshinka Jawaari waa is-miidaamin wadareed siyaasadeed oo fashil ku dhammaaneysa..”
    Next Article Muuse Biixi oo ku dhawaaqay in Imaaraadka uu taageero Milateri iyo tababar siinayo Ciidamada Somaliland [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo