Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ku dhaliilay hoggaanka dowladda Federaalka inuu ku fashilmay amniga, balanqaadkiisiina uu kasoo bixi waayey.
Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in markii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimid uu ballan qaaday inuu Alshabaab ku soo afjari doono muddo laba sano ah, taasina aysan waxba ka suuragelin, taas bedelkeedana ay dowladu ku mashquusho difaac ay ka gasho, oo kula dagaalanto baraha bulshada siyaasiyiinta ka afkarta duwan, taasoo aan dowladnimo lagu gaareynin.
Isagoo ka hadlayey weerarkii ugu danbeeyay ee Alshabaab ku qaadeen Hotelka Maka Almukarama iyo dhismooyinka ku dhow ayuu sheegay inaysan jirin istaariijiyad amni oo dalku leeyahay oo looga hortegi lahaa Alshabaab.
HOOS KA DAAWO