Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hor yimid Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ee ay magacawday xukuumadda Soomaaliya, isagoo weerar ku qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha..
Wuxuu ku eedeeyay Wasiir Sabriye inuu noqday nin is-hafraya, sida uu hadalka u yiri oo wasaaraddiisuna ay noqotay mid waraaqaheeda sidii la rabo wax loogu soo qorto, isagoo intaas ku daray in Guddiga Dibuheshiisiinta Galmudug ee xalay la magacaabay marka laga reebo dhowr qof ay intooda badanwka tirsan yihiin xafiiska Ra’iisal wasaare oo mushaari ka yihiin.
“Ma Galmudug danaheeda ayay ka shaqeynayaan mise danaha Khayre ka leeyahay Galmudug? waxaan rajaynayaa in aysan horseed u noqon kala geynta dadka Galmudug, Waxaa la yaab leh warqad guddi kale lagu magacaabayo oo shalay ka soo baxdey xafiiska Madaxweyne Farmaajo magac ku jiray ayaa middii xalay saq dhexe soo baxdeyna ku jiray, waxaa ka muuqata kooxda Villa Somalia in dadkii ay ku kalsoonaayeen ay ku sii yaraanayaan illaa hal qof magaciis meel walba lagu arkay…” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi.
Dr. C/raxmaan Baadiyow oo shalay ka mid ahaa guddiga Dib u heshiisiinta ee madaxweyne Farmaajo u magacaabay arrinta Somalia iyo Somaliland ayaa ku jiray liiskii Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ee xukuumadda magacawday, waxaana uu hore u ahaa la-taliyaha Ra’iisal wasaare Kheyre.