Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana mida xisbiga UPD uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isu bedelay weriye soo tebiyey doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland, Garabka Axmed Madoobe.
Fiqi oo si weyn ugu kacsan madaxda dowladda Somalia ayaa xiligan taageere weyn u noqday Axmed Madoone, waxaana xubno uu ka mid yahay ay Kismaayo u tageen si ay taageero ugu noqdaan qorshaha dib u doorashada Axmed Madoobe, laakiin waxaa si weyn maanta u muuqday doorka uu qaatay Xildhibaan Fiqi sida weriye oo kale baraha uu ku leeyahay Facebook iyo Twitter ku baahiyey doorashada ka socotay Kismaayo, sawirrada, isagoo weliba soo qoray sida loo kala guuleystay iyo madaxda la doortay magacyadooda,
Tallaabada Xildhibaan Fiqi ayaa qeyb ka ah ololaha doorashada 2020-ka iyo siyaasadda dhinaca ka rarran ee Soomaaliya oo dhinacyada isku haya aanu xad lahayn rabitaankooda iyo diidmadooda.

