Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xildhibaan Mahad Salaad oo faafiyey Qeylo-dhaan ku saabsan Coronavirus oo ka timid Isbitaalka Banaadir

    Xildhibaan Mahad Salaad oo faafiyey Qeylo-dhaan ku saabsan Coronavirus oo ka timid Isbitaalka Banaadir

    April 9, 2020Updated:April 9, 20203 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa faafiyey farriin naxdn leh oo ka timid mid ka mida shaqaalaha Isbitaalka Hooyadda iyo Caruurta ee Banaadir oo ka mida isbitaallo la geeyay qofkii ugu horeeyya ee u geeriyooday cudurka Coronavirus.

    Fariintan oo xildhibaanku sheegay inuu la wadaagay madaxda sare ee dalka ayaa ka hadleysa in marxuumka u geeriyooday la geeyay isbitaalka ayna shaqaalo badan iyo dhaqaatiirta isbitaalka ay u tagayeen, haddana ay dareemayaan inay cudurka qaadeen, iyadoo aan wax tallaabo ah aysan qaadin Wasaaradda Caafimaadka.

    HOOS KA AKHRISO FARRIINTA

    QAYLO-DHAAN KA TIMID ISBITAAL BANAADIR

    Qof ka shaqeeya Isbitaal Banaadir ayaa xogtaan xalay ii soo diray. Isla markiiba waxaan la wadaagay madaxda sare qaarkood, waanan rajeynayaa in si degdeg ah looga howlgalo. Hadii sidaan wax u dhaceen dalkaan waxaa ku soo socda dhibaato aad u culus ee fadlan hurdada halaga kaco

    FARIINTA: Salaan kadib, waxaan rabaa inaan kula wadaago xaladda uu marayo Caabuqa Covid 19, marxaladaha uu soo maray bukaankii u geeriyooday cudurkaan iyo sida ay wax u dhaceen:Waxaa dhacday 2dii bishaan Abriil in Shariif Maxamed Maxamuud laga qaaday xaako (sputum) si loo baaro, waxaana la keenay Isbitaal Banaadir qaybtiisa TB da, dhakhtarka TB da maamula ayaa ka soo qaaday oo keenay shaybaarka si looga baaro TB, waana laga waayay.
    Intaas kadib waxaa loo wareejiyay Isbitaalka Aadan Cadde, maalin walba waxaa aadayay qaar ka mid ah dhakhaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalka waayo waxuu ahaa Aabaha agaasimaheenna Isbitaal Banaadir iyada ayaana ku ixtiraamaynay. galabnimadii Talaado ah 7dii bishii Abriil waxaan isbitaalka ugu tagay ku dhawaad 27 ka mid howlwadeenada isbitaalka oo ay ku jiraan 8 dhakhaatiir ah. Kadib markii la ogaaday in agaasime Fartuun Shariif Aabaheed qabo cudurka Covid 19 waa laga bixiyay Isbitaalka waxaana la geeyay Isbitaal Martiini oo galabnimadii Arbacada uu ku geeriyooday Allaha u naxariisto.
    Dhakhtarkii ka qaaday xaakada (sputum) iyo agaasimaha iyo hal qof oo kale kaliya ayaa karantiil la geliyay si loo hubsado badqabkooda Arinta cabsida leh ayaa ah wali Isbitaalka wuxuu wadaa shaqadiisii caadiga ahayd iyadoo ay joogaan in ka badan 50 qofood oo isugu jira dhakhaatiir iyo howlwadeeno caafimaad oo u tagay bukaanka u geeriyooday cudurkaan.
    Qaar ka mid ah howlwadeenadaas maanta ma imaanin Isbitaalka waxayna noo sheegeen in ay dareemayaan qandho iyo dhuun xanuun. Halista ugu wayn ayaa ah in uu ku sii faafayo cudurkaan bukaanada isbitaalka jiifa, shaqaalaha ka shaqeeya, hooyoyinka iyo caruurta isbitaalka u yimaada baaritaano caafimaad. Si looga badbaado cudurkaan in uu sii faafo waxaan kaa codsan lahaa in la sameeyo baritaano degdeg ah.
    Waa arin laga gaabinayo, sababtoo ah Wasaarada Caafimaadka 10 jeer ka badan ayaan wacnay wax taleefoon kaa qabanayana malahan. Farintaan adiga ayaan kula wadaagay. Howlwadeenada, dhakhaatiirta iyo bukaanada jiifa iyo kuwa yimid isbitaal Banaadir waxay u bahanyihiin baaritaano degdeg ah.
    Mahadsanid Xildhibaan.

    Corona Virus Isbitaalka Banaadir Top Xildhibaan Mahad Salaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSu’aalo ka taagan Qofkii ugu horeeyay ee Muqdisho ugu Geeriyooday Covid-19 (Shaqaale caafimad oo la karantiilay)
    Next Article Cumar Filish oo shaaciyey Dad Muqdisho ugu dhintay Coronavirus: “Qaar waa la aasay, qaarna weli lama aasin..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo