Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa sheegay in xooggaga Wadaniyiinta ee Gobolka Banaadir oo uu dhisay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ay leeyihiin Garab hubeysan oo loo qeybiyay Bistoolado, laguna sii daayey Magaalada Muqdisho.
“Xoogaga Wadaniyiinta Gobolka Banaadir ee Madaxweyne Farmaajo uu leeyahay gudaha dalka iyo dibedahaba waa lagu baahinayaa waxa ay leeyihiin garab hubaysan oo Bastoolado inta loo qaybiyay magaalada lagu sii dhex daayay..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo tusaale u soo qaatay arrin ka dhacday degmo ka mida magaalada Muqdisho.
“Maalin dhawayd degmo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo Gudoomiyaha Gobolka booqasho ku tegay waxa la ii sheegay meeshii bulshada uu kula kulmayay in lagu qabtay 8 dhalinyaradaas ka mid ah oo Bastoolado ku hubaysan, markii ciidamada amnigu qabteen kadibna inta la soo wacay loo sheegay in ay ka tirsanyihiin Xoogaga Wadaniyiinta laguna amray in ay si degdeg ah u sii daayaan!.” ayuu yiri xildhibaanka oo qoraal ku weerrary xooggaga Wadaniyiinta ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo.
Baaq uu u diray Madaxweynaha ayuu ku sheegay inay Soomaaliya leedahay ciidamo amni oo sifo sharci ah ku howlgala oo aan loo baahneyn GUULWADEYAAL Madaxweyne Farmaajo leeyahay oo sidii Al-Shabaab dadka madaxa ka jebiya.