Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ayaan darro ku tilmaamay in iskoolka Hoyga Xamar la burburiyo saakay afartiii aroornimo, kadib markii lagu fasaxay ciidamo.
“Dhulka la burburiyay waxaa lahaa Wasaaradda Waxbarashada Somalia, waxa ay ka soo saartay warqad ay uga soo horjeeddo burburinta hantida wasaaradda. Dhulka waxaa loo burburiyay ganacsato ay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Farmaajo gacan saar leeyihin kana qayb ah dib u doorashadiisa.” ayuu yiri xildhibaan Odowaa oo ka fal celiyey kadib markii ciidamada dowladda ay burburiyeen Dhismaha Dugsigii Hoyga Xamar si loogu wareejiyo ganacsato.
Wuxuu ku baaqay in loo hogaansamo codsiga wasaaradda, lagana celiyo dhulka dadka boobaya dhulkaasi.
