Xildhibaanka Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu hore u taageeri jiray.
Wuxuu sheegay in faragelintii Itoobiya ee uu qarxiyey Doorashadii 2017 uu ka faa’iideystay Farmaajo, balse isagu kaliya ujeedkiisu ahaa inay meesha ka baxdo faragelintii qaawaneyd ee Itoobiyaanka ku haysey siyaasadda Soomaaliya.
“Farmaajo waxaan ka leexday maalintii uu Nin Soomaali ah oo sarkaal xoogga dalka ah u diibay Itoobiya… Waa jiraan Dad qabiil ahaan iigu riixaya.. laakiin aan is weydiiyo Farmaajo 5 sano ayuuu xilka joogay.. Dalkan markii uu yimid xagee joogay, haddase xagee ayuu geeyay…?” ayuu yiri Zakariye oo wareysi siiyay Kalsan TV.
Xildhibaan Zakariye ayaa laga heystaa diyaarado nooca Drone-ka ah oo uu dalka soo geliyay, isagoo sheegay inay yihiin diyaarado loo adeegsado Beeraha, balse shaki laga muujiyey ay ula wareegtay hay’adda NISA.
