Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan isugu yeeray xildhibaannada, kaasoo Berri dhacaya kadib muddo dheer oo aanu wax kulan ah dhicin.
Farriin ay Xogheynta Golaha Shacabka u direen xildhibaannada ayaa loogu sheegay in inuu jiro kulankii Baarlamaanka, iyadoo ajedaha shirka lagu sheegay arrimaha Covid-19. “Mudane Xildhibaan Beri oo Sabti ah oo ay Tar. 27 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha 1. Caabuqa COVID19 Saacadu waa 09:00 subaxnimo” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaannada.
Kulanka Baarlamaanka ee Berri ayaa kusoo beegmay iyadoo xaalad is mari waa’ ah ka taagan tahay Doorashada dalka, waxaana soo baxay warar sheegaya in guddoonka Baarlamaanka uu wado qorshe muddo 2 sano muddo kordhin loogu sameynayo dowladda Federaalka ee hadda jirta.
