Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirar iska horjeeda oo ku saabsan mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), waxaana soo baxay qorshe cusub.
Qorshahan ayaa ujeedkiisu yahay in si joogto ah loo qabto shirar jaraa’id oo shaqsi ahaan lagu weerarrayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana lagu cadaadinayo inuu xilka iska casilo, arrintaas oo ay hoggaamineyso Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiiradan ayaa la sheegay inay rajo ka qabto in Jawaari iska tegi doono oo aan loo baahneyn cod qaadis iyo in la furo mooshinkiisa, iyadoo qandaraas ku qaadatay qorshaha lagu doonayo in saxaafadda lagu weerarro Guddoomiye Jawaari, laguna soo bandhigo eedeymo aan waxba loola harin, waxaana arrintan ku wehliya wasiiro iyo xildhibaanno kale.
Kulan maanta ka dhacaya Hotelka SYL ayaa lagu wadaa inay cududdooda ku soo bandhigaan xildhibaannada wada mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo ay ka dhex muuqan doonto wasiir Khadiija.