Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaliilaay war kasoo yeeray Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta tegay xarunta Guddiga Doorashada Qaranka isagoo sheegay in dhowaan lagu dhawaaqi doono Xisbul xaakimka, sida ay shaacisay wakaalada wararka dowladda ee SONNA .
Sonna ayaa shaacisay warkan “Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa booqday xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka,isagoo ka soo qaatay xeerka Axsaabta iyo Shuruudaha Diwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka,si loo waafajiyo Dastuurka Xisbul Xaakimka oo dhawaan looga dhawaaqi doono magaalada Muqdisho”.
Xildhibaan Fiqi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in wakaaladdii xogta iyo wararka dalka ay baahiso khalad waxyaalo asaasi ah, sida xisbul xaakim, wuxuuna is weydiiyey: “Goormaa dalkaan xukunkiisa xisbiyo ku tartameen oo xisbi ku guuleystay xukunka dalka si loo yiraahdo “xisbul xaakim..??”.
Axmed Macalin Fiqi oo ka mida mucaaradka ugu cadcad ee ku kacsan dowladda Farmaajo ayaa canbaareeyay hab-dhaqanka Wakaaladda wararka dowladda, isagoo ku dooday in furashada xisbi ay ka dhaxeyso muwaadiniinta oo dhan, laakin ay cadaalad darro ah in mid gaara wararkiisa si gaar ah looga tabiyo.
Wuxuu uga digay hawlwadeenada wakaaladda SONNA iyo warbaahinta Qaranka inay dhowraan sumcadda hay’adaha dowladeed ee ay gacanta ku hayaan, kana digtoonaadaan inay xisbi gaar ah loo adeegsado.