Guddiga Dooorashooyinka Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa soo saaray waqti cusub oo ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi oo markii hore loo qabtay ilaa 25-ka Bishan Ogost.
Qoraal goor dhoweyd kasoo baxay Guddiga Doorashada ayaa Jadwal cusub loogu sameeyay xilliyada ay dhacayaan doorashada guddoonka Baarlamaanka cusub iyo madaxweynaha, waxaana la shaaciyey in Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ay dhici doonto 19-ka bishan Ogost 2019.
Sidoo kale doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ka horeyn doonta ayaa dhici doonta 17-ka bishan Ogost, iyadoo hal maalin oo kaliya ay heystaan musharixiinta inay olole ku galaan, taasoo muujineysa in doorashada madaxweynaha ay tahay mid diyaarsan oo aan waqti la siin musharixiinta.