Xogheynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay xilliga uu dib u furmayo kalfadhiga Golaha shacabka.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa shaaciyay in Sabtida soo socota ee 9-ka September uu si rasmi ah dib ugu furmayo kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.
“Dhamaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in waqtiga dib loo bilaabayo fadhiyada Baarlamaanka la gelayo, maadaama muddadii fasaxa ee Xajka ay soo dhammaatay, Sabtida haddii uu Alle idmo waxaa furmaya kalfadhiga Baarlamaanka..” ayuu yiri xoghaye Buux.
C/kariin Buux ayaa ka codsaday Guddiyada joogtada ee Golaha Shacabka inay soo kasoo qeyb galaan kulanka Khamiislaha oo looga hadlayo sameynta iyo dhameystirka ajendayaasha kalfadhiga.
Waxaa al xilayaa in u yeeris iyo mooshinno dhowr ah ay Baarlamaanka hor keenaan xildhibaano kacsan oo ka horjeeda qaabka ay dowladda Soomaaliya ku socoto muddooyinkii ugu danbeeyay.
Xildhibaano dhowr ah ayaa caddeeyay inay Mooshinno geyn doonaan Golaha Shacabka kuwaasoo ku jeeda xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka, iyagoo doonaya inay u yeeraan madax uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.