Xildhibaanadii xilka ka qaaday madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waqti u qabanaya xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.
Kulan ay Guddiga Doorashada xildhibaannada Galmudug ku yeesheen magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha bedeli doona Axmed Ducaale Xaaf ay dhici doonto gudaha bishan , iyadoo maanta ay shaacind oonaan Guddiga.
Dhinaca kale Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa dawcad u yeeris ah ku soo oogay 25 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu ku jiro guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Maxkamaddan oo ka kooban shaqsi qura oo uu dhowaan amray madaxweyne Xaaf inuu shaqadiisa qabsado ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay cabasho laga soo gudbiyay xubnahan.