Iyadoo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu gabagabo marayo ayaa la shaaciyay xilliga ka dooranayo Madaxweynaha maamulka cusub.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ay dhici doonto 15 Bisha Oktoobar, ayna noqon doonto maamulkii ugu danbeeyay ee la dhiso.
Yaxye Cali Ibraahim oo farxad badan ka muuqato ayaa sheegay inuu isagu soo hindisay qaabka calanka iyo magaca uu yeelanayo maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wadani.com