Waxaa sii xoogeysanaya xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka, siiba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligan helaya taageerada iyo garab istaaga Mareykanka dagaalka uu kula jiro Alshabaab.
Waxaa Muqdisho soo gaartay haweeneyda ah Danjire Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo shalay la kulantay madaxweyne Xasan Sheekh, kuna dhawaaqday in Mareykanku bixinayo Lacag ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeraad ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday Mareykanka inay gacan ka siiyeen sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraadda Hubka ee saaran, wuxuuna caqabad cunaqabeteynta hubka ee saaran Soomaaliya ku ah dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dagaalka argagixisada.
Mareykanka wuxuu dhowaan ciidamada Danab ee uu tababarray soo gaarsiiyay Saanad iyo Hub lagu qiimeeyay ilaa 7 Milyan oo Dollar, wuxuuna sidoo kale ka qeyb qaataa duqeynta Alshabaab oo dagaallo culus lagula jiro.
Dhinaca kale Madaxa Hay’adda USAID ee Mareykanka, Samantha Power ayaa 24-kii Janaayo 2023 Mudisho kula kulantay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, horumarinta la-qabsiga cimilada iyo taageeridda dagaalka dowladda federaalka kula jirto Al-Shabaab.
Mareykanka ayaa si weyn u kordhiyay taageerada milateri iyo gargaar ee uu siiyo Somaaliya, waxaana ilaa bilowgii 2022 uu Mareykanka ugu deeqay lacag dhan 1.3 bilyan oo doollar oo gargaar ah.
Arrin kale oo muujinaysa sida uu xoogeystay xiriirka Mareykanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah wufuudda Mareykanka ee Muqdisho imaaneysa oo sii kordhay, kadib tegistii Madaxweynaha ee Xarunta Wasaaradda Difaaca Mareykanka Pentagon bishii Septembar 2022.
