Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa maanta kusoo biiray axsaabta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya. Guddiga doorashooyinka ayaa maanta shahaado siiyay dhowr xisbi waxaana si gaar ah dadka usoo jiitay xisbi uu hogaaminaayo duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed, kaas oo ay sidoo kale ku jiraan siyaasiyiin badan oo horey xilal muhiim ah dalka uga soo qabtay.
Xisbiga Awoodda Shacabka (People’s Power Party) waxaa sidoo kale ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano, ganacsato iyo dad badan oo qiimo kuleh bulshada dhexdeeda . Thabit Cabdi ayaa la sheegay inuu arrimaha xisbigaan ku mashquulsanaa tan iyo bishii Janaayo ee 2018.
Gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobalka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga.
“Waxaan uga mahadcelinaya guddiga doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay howshaan u hageen, waxaan rajo badan ka qabnaa in loolanka siyaasadda ee Soomaaliya uu noqon doono Xisbiyo ku tartama adeega shacab, wax badan oo ku saabsan xisbiga Awoodda Shacabka waxaad dhamaantiin ku ogaan doonta munaasabada ugu soo horeysa ee Xisbiga ayuu yiri Xaaji Ereg, gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awoodda Shacabka.
Dad badan ayaa aaminsan inuu xisbigan cusub taageero ka heli doono dhalinyarrada iyadoo laga cabir qaadanayo waxqabadkii Thabit Cabdi ee mudadii uu hayay xilka gudoomiyaha gobalka Banaadir.
Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa intooda badan isha ku haya in laga guuro hanaanka qabiilka ee 4.5, iyadoo loo gudbaayo in lagu tartamo nidaamka xisbiyada badan. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale xoog iyo xoolo ku bixineysa in saamileyda siyaasada ee Soomaaliya, iney arrintaan ka dhabeeyaan.
SAWIRRO








