Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee JDP ayaa seminaar looga hadlayey ‘Fahamka Guud ee Dowladnimada iyo Xisbiyada siyasadeed’ ku qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen 150 qof oo isugu jira xubnaha iyo taageerayaasha ururka.
Seminaarka oo ay casharo ka bixiyeen macalimiinta kala ah: Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur iyo Dr. Maxamed Cumar Maxamed ayaa ka qeybgalayaasha ay ka faa’iideysteen aqoonta dowladnimada iyo qaabka ay u shaqeeyaan xisbiyada siyaasadeed.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Samaan Sheekh Daahir oo khudbad ka jeediyey xiritaankii seminaarka ayaa sheegay in ujeedka xisbiga u qabtay seminaarka uu yahay sidii loo kordhin lahaa aqoonta dowladnimada ee xubnaha xisbiga, wuxuuna sheegay muhiimada uu leeyahay aqoon kororsiga.
DAAWO SAWIRRADA