Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Galmudug.
Qoraal uu soo saaray Xisbiga ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka mid noqdaan Xalka loo raadinayo Xaaladda ka dhalatay inay ku Fashilmeen sidii dalka loo gaarsin lahaa Doorasho Dastuuri ah oo Qof iyo Cod ah.

HOOS KA AKHRISO
